Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtay Argagixiso

Taliska dhexe ee ciidamada qaranka Somaliland ayaa ka warbixiyey dagaal xoogan oo maanta magaalada Laascaanood ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad isku soo urursaday magaalada.

War saxaafadeed ka soo baxay taliska dhexe ee ciidanka qaranka ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada qaranku ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo ka kooban maleeshiyaad deegaanka ah, xubno ka tirsan kooxaha xagjirka ah ee caalamiga ah iyo ciidamada PSF-ta Puntland.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska dhexe ayaa u qornaa sidan.

“Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo iska difaacaya weerarrada kooxaha argagixisada ah, waxa ay gacanta ku soo dhigeen maxaabiis dagaal oo ka mid ah argagixisada, ciidanka PSF-ta ee dawlad-goboleedka Puntland iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo marin habaabiyey,” ayuu yidhi. war-saxaafadeed.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maxaabiis dagaal ka sii daysay dadkii deegaanka ee ku dhaawacmay, kuwaas oo lagu wareejiyey eheladooda. Ciidanka Qaranka Somaliland waxa ku suntan Geesinimo iyo Daacadnimo,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Ciidanka Qaranka Somaliland.

SomalilandVoice.com