“Askartii Giriigu intay na qaawiyeen bay dib noogu celiyeen Turkiga.” Muhaajiriin.

“Askartii Giriigu intay na qaawiyeen bay dib noogu celiyeen Turkiga.” Muhaajiriin.

Kumanaan muhaajiriina ayaa u qaxay xuduudaha Giriiga, ka dib markuuu
Madaxweynaha Turkigu, Recep Tayyip Erdogan, sheegay in uu furayo xuduudaha mudo 72 sacaadood ah si qaxootigu ugu gudbo dalalaka yurub kadib markii 33 askari diyaarado kaga dileen magaalada Idlib ee Suuriya.

Dhowr qaxootiya oo isku dayey inay ka talaabaan xuduuda ayey askarta xuduuda Giriigu ka qaadeen waraaqahii, lacagtii, telifoonaddii iyo weliba dharkay xidhnaayeen ka dibna dib ugu soo celiyeen Turkiga iyagoo nigisyo xidhan.

Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa soo saaray muuqaalo ay ka muuqdaan rag nigisyo mooyee dharkale xidhnayn oo dib loogu soo celiyey Turkiga.

Inna badan qaxootigan ayaa ka talaabayey xuduudda uu sameeyo webiga loo yaqaan, Meric, ee kala xadeeya Turkiga & Giriiga.

Dhacdadan qaxooti qaawinta ayaan ahayn mid ku cusub reer Giriig, sida ay sheegtay hay’adda udooda xaquuqal insaanka ee Amnesty International, Giriiga ayaa dhow jeer oo hore ku kacay falkan oo kale.

Somaliland.ca

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *