Hoggaamiyaha Kooxda SSC oo Qaaddacay Natiijada Shirkii Taleex, Kuna Dhawaaqay inuu Aqbalay Gogosha Nabadda ee Madaxweynaha Somaliland
SLV – Hoggaamiyihii Kooxda hubaysan ee SSC Mr. Saleebaan Xaglo-toosiye ayaa si cad uga horyimi natiijada shirkii Taleex ee ay isaga iyo siyaasiyiin iyo qurba-joog kale majarihiisa af-duubeen, waxaannu markii u horreysay ku dhawaaqay inuu si buuxda u qaatay gogosha nabadda ee uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyey beelaha Sool iyo Sanaag-bari.
Mr. Xaglo-toosiye oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da xalay waxa uu ku dooday in qorshihii shirkooda afduubeen kooxo uu ku tilmaamay qaar mabaadii fog watay oo aan wax dan ah u hayn shacabka reer Sool, sidaa daraadeedna, waxa ay ku dhawaaqeen yahay waxba kama jiraan aan waxba ka socon doonin, taas beddelkeedana uu go’aansaday inuu qaato gogosha nabadda ee uu fidiyey Madaxweynaha Somaliland, kana mid noqdo saaxiibadiisii SCC ee hore wax ula qaybsaday Somaliland.
Dhinaca kale, kooxda Somaliland-diidka uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh ee afduubay shirkii Taleex, ayaa meel aan la garanayn kaga dhawaaqay shalay magacyada saddex nin oo lagu sheegay in loo doortay madaxweyneyaal meerto ah uu yeelan doono maamul-goboleed-ku-sheegga dhalanteedka ah ay u bixiyeen Khaatumo iyo gole wasiirro ka kooban lix wasaaradood oo khayaali ah.
Afhayeenka kooxda fidna-walayaasha ah oo hore ugu dhawaaqay inuu xidhmay shirkii Taleex, kadib markii ay cabsi xooggan ka qaadeen dhaqdhaqaaqyada ciidammada qaranka Somaliland ku sugayaan xuduudaha dalka ee ka socda degaannada Buuhoodle iyo Gobolka Sool, isla markaana aan tan iyo markii shirkaasi lagu kala yaacay laogayn meel ay ku sugan yihiin, ayaa markale sheegay inay degmada Taleex ee ku doorteen saddex madaxweyne midkoodba 6 bilood si meerto ah u hayn doono hoggaaminta maamul-goboleedkooda riyada ku dhisan ee kooxda Cali Khaliif ku doonayaan inay caalamka kaga dawarsadaan, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin; Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) iyo Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe).
Afhayeenka kooxda Khaatumo Mr. Aadan Cabdillaahi Shuuriye oo la xidhiidhay shalay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa kaloo uu idaacadda ka akhriyey magacyada gole wasiir lix xubnood ka kooban oo uu yeelanayo maamul-ku-sheeggooda khayaaliga ah, waxaanay magacyadoodu kala yihiin; Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Dabay), Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Caalimiga iyo Jaaliyadaha, Maxamed Ducaale Cabdi- Wasiirka Amniga Qaranka, Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdikariim Faarax Dhaaye, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga, Maxamuud Diiriye Cabdi Joof- Wasiirka Wasaaraadda Adeega Arrimaha Bulshada iyo Yaasiin Axmed Sulub, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Sidoo kale, waxa sheegeen inay soo xuleen gole wakiillo ka koobnaan doona 47 xubnood oo ay ku jiraan 9 haween ah.
Waxa kaloo kooxdaasi riyadooda beenta ah ku sheegeen in degmada Taleex ee Gobolka Sool noqon doonto xarunta maamul-goboleedkooda dhalanteedka ah, halkaas oo ka mid ah degaannada ciidammada qaranka Somaliland kulalayaan oo aanay suurtogal ahayn inay xataa kooxda Cali Khaliif Gallaydh maalmo kale sii joogi karaan.
jamhuuriya
Short URL: http://somalilandvoice.com/?p=463


