Banaanbax lagu taageerayo hadalka Mudane Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka Socda Magaalada Buuhoodle
SLV – Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa saaka subaxnimadii hore ka bilowday banaanbax aad u balaadhan oo lagu taageerayo hadalkii uu saka warkii subaxnimo ka sii daayey hogaamiyaha Maleeyshiyada SSC Mudane Saleebaan Xaglo-toosiye.
Mr Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka mid ahaa madaxdii shirkaa ka qayb gashay ayaa ku tilmaamay shirkaa mid ay shaqsiyaad dana gaara wataa afduubeen oo la majara habaabiyey.
Banaanbaxan oo uu goob joog ka ahaa Mr Xaglo-toosiye ayey shacabka Buuhoodle ku mujiyeen siday uga soo horjeedaan shaqsiyaadka shirkaa afduubay isla markaana ugu muujiyeen hogaamiyahooda Mr Xaglo-toosiye siday ugu garab taagan yihiin go’aan kasta oo uu u arko inuu yahay ka danta iyo wadajirka beeshu ku jirto.
Banaanbaxayaashan ayaa marba dhinac u qaadayey wadada wayn ee dhexmarta Magaalada Buuhoodle marmarka qaarkoodna waxay u soo dhowaanayeen Ciidamadda Qaranka Somaliland ee ku hareeraysan Magaalada Buuhoodle.
Banaanbaxayaashani markay u soo dhowaadaan ciidanka qaranka waxay ruxayeen Calanka Jamhuuriyada Somaliland iyagoo qaadaya heesta “Somaliland Dalkayka…” isla markaana ku dhawaaqayeen erayo lid ku ah go’aamadii ka soo baxay shirkii khaatumo.
Horaa looyidhi wixii degdeg ku biloowda degdeg bay ku dhamaadaane, shirkaa khaatumo ayaa umada afka somaliga ku hadashaa aad u la yaabanayd sida degdega ah ee dowlada loogu dhisay!!… dad badan ayaa is waydiiyey haddiiba Somali sidan maalmo faro ku tirisa gudahood maamul ugu dhisan karto maxaa dhowr iyo labaatankan sanadood Somaliya hortaagan? waxaase cadaatay inay arrintu taa ahayn oo maalmo dowlad lagu dhisay meesha jirine ay dowlad ku sheegan meesha lagaga dhawaaqay ahayd mid sanado loogaga soo cabay Coffee farabadan STARBUCKS IYO TIM HORTONS ka Canada iyo Maraykanka ka dibna shandad lagu soo qariyey daqiiqadii u danbeeyey ee shirkana shandadkii laga soo saaray!.. taasina waxay keentay isku dhac ku yimaada rag lahaa SSC kaadidayadaanu usoo cabnay iyo rag leh Coffee baanu usoo cabnay.
Si kastaba ha ahaatee magaalada Buuhoodle ayaa u muuqata mid isbedel wayn uu ku keenay haladalkii Mr Xaglo-toosiye.
Warar aanu ka helayno dad ku dhowdhow Saleebaan Xaglo-toosiye ayaa sheegaya in uu maalmaha soo socda uu usoo anba bixi doono Magaalo Madaxda Somaliland, Hargeysa, halkaasoo uu kaga biiri doono Ururka Cusub ee SSDC ee hore u ahaa SSC.
SomalilandVoice.com
Short URL: http://somalilandvoice.com/?p=466


