|

Qaramada Midoobay oo Caddaysay Mowqifkeeda ku Aaddan Natiijada Khayaaliga ah ee ka soo Baxday Shirkii Taleex

SLV – Qaramada Midoobay, ayaa markii ugu horreysay caddaysay mowqifkeeda ku aaddan natiijada dhalanteedka ah ee ka soo baxday shirkii qaybo ka mid ah beelaha Dhulbahante uga socday degmada Taleex ee Gobolka Sool, waxaanay tilmaantay in aanay taageersanayn, isla markaana oggolayn wax kasta oo lagu waxyeellaynayo nabadgelyada iyo xasiilloonida ka jirta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa waxa shaaciyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka soo laabtay shalay socdaal saddex maalmood qaatay oo uu ku tegay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.

Wasiirka oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay Madaarka Hargeysa, waxa uu kaga warramay natiijada kulamo kala duwan oo uu halkaas kula soo yeeshay wakiillada Qaramada Midoobay, gaar ahaan Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Somaliland/Somalia Mr. Mahiga, kaas oo uu sheegay inuu u caddeeyey in aanay raalli ka ahayn wax kastoo waxyeello u geysan kara nabadgelyada iyo qarannimada Somaliland ku naaloonayso.

“Waxaan jecelahay inaan si khaas ah u xuso shir aannu shalay (Isniin) wadayeelanay Ergayga guud ee u qaabilsan Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland Ambassador Mahiga oo aannu ka wadahadlaynay arrimo dalka iminka ka socda iyo mowaaqiifta ay ka qaadanayaan Qaramada Midoobay ama ay ka qaadan doonaan; weerarkii dhowaan ay maleeshiya hubaysani ku soo qaadeen meelo ka mid ah Somaliland khaasatan degmadda Buuhoodle iyo arrimaha kale ee dhaqdhaqaayada siyaasiga ah ee ka socda Somaliland ee dadka qaar ku doonayaan in ay ku majara-habaabiyaan wadajirka iyo qaranimadda Somaliland.

In Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxeysaa ay taageersan tahay in Somaliland lagu taageero nabadgelyadeeda oo aanay oggolayn cid waxyeelaysa midnimadda iyo wadajirka Somaliland, arrimahaasi waa mowqif cad oo ay ka qaadatay Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxeysaa. Waxaannuna ugu baaqaynaa kooxaha hubaysan ee nabadglyo-darrada ka wada meelo ka mid ah Somaliland in ay ka waantoobaan oo wixii mowqif ah ama farqi ah iyo wixii ay qabaan si nabadgelyo ah oo degan lagu dhammeeyo,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka warramayey ujeeddada socdaalkiisa Kenya, waxa uu tilmaamay in magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi tahay mid muhiimad gaar ah u leh Somaliland dhinacyada siyaasadda, iskaashiga iyo horumarkaba, maadaama fadhiisin u tahay wakiillada Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba safiirada beesha caalamka, isla markaana uu ugu tagay is xogwarraysi, “Anigu waxaan Nairobi u tagey in aan beesha caalamka ee halkaas fadhigeeddu yahay warbixin iyo xogo ka siiyo arrimaha ka socda Somaliland ee horumarka leh iyo arrimo xagga nabadgelayada xidhiidh la leh intaba oo ay ka mid yihiin arrimaha iminka Somaliland meelo ka mid ah ka taagan. Wuxuu ahaa is xogwaraysi iyo isku warran ka xukuumad ahaan beesha caalamka aannu ka siinaynayn warbixin xaqiiqada jirta ee ku saabsan halka ay Somaliland marayso oo ah runtii xidhiidh joogto ah oo aannu inta badan la leenahay,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

jamhuuriya

Short URL: http://somalilandvoice.com/?p=452

Posted by on Jan 18 2012. Filed under Current Affairs, War. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Qaramada Midoobay oo Caddaysay Mowqifkeeda ku Aaddan Natiijada Khayaaliga ah ee ka soo Baxday Shirkii Taleex”

  1. mahiiga dhaqaalaha taleex inta badan asgaa bixiyey sxb
    nafla caari baad walee tihiin weli laysma gaadhin

  2. xaalkaagu waa anaa jab la maagan
    maxaad samayn karta bal cirka jeex soo dumi
    waar Somaliland waa ka bax cid wax ka qaadi kartaa ma jirto
    ama khaatumo xumo la bax ama khaatumo seeg

Leave a Reply