Magacii Jabhada SSC oo Shirka Taleex ku Siqiiray, Xaglo-toosiye oo laga cabsi qabo inuu Qaadaco iyo laba ka mid ah Kooxda Cali Khaliif oo Firxad ku galay Garoowe
SomalilandVoice – Maamul ku sheegii dhawaan lagaga dhawaaqay Degmada Taleex ayaa magaciisa loo bixiyay Khaatumo State Of Somalia, kaas oo yeelan doona saddex Madaxweyne, Gole dhaqan iyo Baarlaman aan tiradiisa la cayimin inta uu ka koobnaan doono.
Lama oga cida rasmiga ah ee loo Cumaamadayo talada Maamul ku sheega Khaatumo, hase yeeshee warar aanu ka helnay Magaalada Taleex ayaa sheegaya inay madaxtinimada Maamulkaasi u sharaxan yihiin siyaasiyiin dhawr ah oo ka mid ah Ergooyinka madasha ku sugan, kuwaas oo uu ka mid yahay Hogaamiyihii Jabhada SSC Saleeban Ciise (Xaglo-toosiye).
Mid ka mid ah Ergooyinka shirkaasi ka qayb galay ayaa Waaheen u xaqiijiyay inaanay Hogaanka Maamulkaasi isu soo taagi doonin Siyaasiyiinta manjaraha u haya shirka Taleex ka socda, gaar ahaan Cali Khaliif iyo Cali Ciise Cabdi toona, balse ay iyagu shir-guddoon ka noqonayaan Doorashada madaxweynayaasha iyo Golayaasha Maamulkaasi lagu soo xulanayo.
Inkasta oo goobjoogayaasha shirku ay sheegayaan in raga ugu dhaw madaxweynaha Maamulka Khaatumo uu ka mid yahay Hogaamiyihii SSC, hadana waxa jira warar kale oo soo baxayay tan iyo markii shirkaasi furmay, kuwaasoo sheegayay inaanu Xaglo-toosiye marnaba ka raali ahayn in la dhiso maamul Goboleed ka magac duwan kii uu hore u aasaasay ee SSC, waxaanu todobaad ka hor mar uu ka hadlay shirka Taleex axdi ku maray inaanay aqbalayn in laga guuro magacii ssc ee ay samaysteen, isla markaana aanay aqoonsan doonin magac kasta oo loo bixiyo Maamulka halkaasi lagaga dhawaaqay.
Waxaanu magacan cusub ee la iclaamiyay ka hor imanayaa garnaqsigii uu hore Xaglo toosiye uga jeediyay madasha shirka Taleex, kaasoo uu Ergooyinka halkaasi ku sugan ugu soo bandhigay sidii uu ku yimi Magaca SSC iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay inaan magacaasi laga guurin, waxaana jira dareeno aan wali soo shaac bixin oo laga qabo in Xaglo Toosiye Qaadaco natiijada shirka Khaatumo, maadaama uu siqiiray magacii uu ku soo caano maalay ee SSC oo uu taageero badan ku haystay wakhtigan.
Dhinaca kale warar madaxbanaan oo laga helay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Laba xubnood oo ka mid ah Kooxda G6 ee maamulaysa shirka Taleex gaadheen Garoowe, ka dib markii sida la sheegay habeen hore laga caydhiyay Tuulada Yogoori oo dhinaca waqooyi kaga beegan Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Labadan Nin ee ka tirsan Kooxda G6 oo kala ah Jaamac Abshir Juxa iyo Cali xaaji Cige ayaa la sheegay inay magaalada Garowe kula kulmeen qaar ka mid a h xubnaha golaha wasiirada Puntland, kuwaasoo ay xalay ka wada casheeyeen mid ka mid ah Hutelada magaalada ku yaala oo la dejiyay.
Lama oga ujeedada dhabta ah ee ay labadan Siyaasi u tageen Garoowe, balse warar laga helay Magaalada Garoowe ayaa sheegay inay halkaasi ku tageen firdhad ay habeen hore 10-cawaysnimo kaga cararan Yogooro, kaasoo ay ku sii qardo jeexeen tuulada Laas-daar oo 12 Km galbeedka kaga beegan Yagoori ilaa degmada Widh-widh ee dhinaca Buuhoodle, iyagoo ugu dambeyntiina ay shalay salaadii maqrib habaqle ku galeen Garoowe.
waaheen
Short URL: http://somalilandvoice.com/?p=443


